Midab aan la doorin iyo qurux hablihii hore u daa!

Quruxdii dumarkii Soomaaliyeed ee qarniyo hore iyo siday u ilaalin jireen wajigooda, qiimaha uu lahaa iyo caafimadka uu haystay.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo cuna cuntooyin ay ka helaan nafaqo kala duwan jidhkoodu, sida shuurada, digirta iyo caanaha, oo dhammaantood jidhka u fiican. Dumakan ayaa ahaa kuwo marsada waxyaabo ay ka mid yihiin: Huruuda, cusburka, labeenta caanaha, shunburada, timirta, burcadka iyo qasalka.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo waqti qudha wax mariya wajigooda, waqtigaasoo ah markay tagayaan meel sida aroosyada ama iyaga la aroosayo.

Dumarkan ayaa qabay fikir ah hadii jidhka mar walba wax la mariyo inuu dheeha sare ka qaadmayo. Hadii aad u fiirsado fikirkaa ay qabeen waQtigaa aanay haysan daryeel badan ama aanu waqtigu u saamixin qurux dabiici ah, lakabka sare ee jidhka kaasoo loo yaqaano (Epidermis) wa jidhka haddii ay dhibato soo gaadho unugyada ka hooseeya, ka bacdi uu wajiga dumarku ka xumado ama wax kasoo bax baxaan.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo qurux kala midaba leh, se gabadh kastana midbkeedu lafta ka dhalaali jiray, waxayna ahaayeen  kuwa aanay ku soo degdeign waxyabaha hadda ku soo degdega dumarka manta sida : (wrinkles ama ageing skin) gabowga  maqaarka wajiga .

Dumarkan ayaa ah dumar jidhkoodu caafimad qabo ama aad arki kartid iyagoo gaboobay, jidhka wajigooda oo wali is haysta oo aan xoog u jilcin, dhibatana waligood soo gaadin finan iyo wax kale toona. Dumarkan ayaa ahaa kuwo leh midabbo kala duwan:  casaan, maarriin, marriin dhalaal xiga, iyo madoow.

Waxaan aan had iyo jeer eega ama u fiirsada dadka gaboobay wajigooda, malin maalmaha ka mid ayaan  suaal waydiiyay islaan aad wayn,  islaantan ayaa ah mid aan lahayn haba yaraatee wax loo yaqaano (wrinkles), ama waji layn layn leh oo soo dhac dhaca. Arrintan ayaa iga yaabisay, waxaan ku idhi hooyo maxad marsan jirtay markaad yarayd ama hadaba, waxay iigu jawabtay Liindhanaan, timir, iyo qasil. Se hada qurbahan waxan marsada badhar, jidhkeedan ayaa ah mid caafimad qaba laftana ka dhalaalay!

Haddaba, habloow ma is waydiiseen markaad gaadhaan xiligan wajigiinnu noocuu noqon doonaa?

Hablaha manta jooga horta waa isku wada midab qudha, waxaad mooddaa inuu dabar go`ay midabkii Soomaliyeed, marriin iyo madoow. Haddaba, isku wada midab ha la ahaadee dhibaato intee le`egna way soo gaadhaysaa jidhkan?

Runtii farqiga u dhexeeya quruxdaa hore iyo ta manta waxa weeye, dhibaatooyinka ku dhaca dumarka manta jooga wajigooda sida: jidh wax diidaya (sensitive skin) finan cas-casaan ah, kuwo madmadoow ah (red spots, acne iyo blackheads) jidhkaa dumarkaa hore intan  mid may lahaan jirin, kaliya waxay laahaan jireen haaro markay uurka leeyihiin ku dhaca, kuwaaso markay dhalaana burcadkoodu ka gooyn jiray.

Dumarkan manta jooga runtii kama fakaraan aayaha jidhka danbe, halka ay kuwaa hore aad u ilaalin jireen ayaha jidhka wajigooda.

Habloow haddaba , waxa fiican in aynu is waydiinno, dhibatadan badan ee dumarka wajiga kaga dhacaysaa maxaa sababaya?  Waxyabaha aan kor ku soo sheegay oo dhan baa ka mas`uula, dhibtani waxay ka imanaysa unugyada jidhka ka hooseeya markay dhibato soo gaadho, ayaa jeermis dhalanaya kaasana u soo booday dibadda wajiga.

Waxaan qabaa haddii  la iska daayo waxan la marinyo jidh caafimaad qaba, ama waqti  yar maraya, in aanay dhibaato u timaaddeen wajiga.

Hablaha dhallinyarta ah ee wadankii  jooga  waxan kula dardaarmaya intii aan waxba marsan inay fadlan iska ilaaliyaan waxa la marsanayo waliba ay ku jiraan wax loo yaqaano (mercury liquid: Diana cream,dermovate and Fasco herbal), walalo waxa jirta xili jidhkiinnu fitiimiin soo daayo oo aad ka helaysaan qurux dabiiciya oo ah tii Alle idiin abuuray, haddii aad cuntaan cuntooyinka khudaarta ah.

Waxan la marsanayo waxa jirta da’ loogu tala galay inuu qofku isku yareeyo ama isku qurxiyo se marka ay marsadaan hablo soo kacaya, ma ogtihiin inaad jidhkiinna duullaan ku tihiin, waliba aad dhibaato soo gaadhsiinaysaan unugyada difaaca jidhkiinna?

Waxaad mooddaa midabadeenii kala duwanaa inay madheen, ama anay jirinba dad kala duwan wajigoodu, runtiina qurux maaha midabka cad ee dadkii wada yeesheen, quruxdu wa jidhka caafimaad qaba ee dhalaalkiisana wata, hablihii markay dambas iyo casaan wada noqdaaan quruxi ka tagtay dumarkii Somaaliyeed?

Waxaa fiican in laga hortago oo hablaha soo kacaya loo sameeyo wacyi galin si loo soo celiyo quruxdii hore ee qiimaha u lahayd jidhka dumarka.

La soco qaybta 2aad

Amina Mohamed

Holistic therapist & skin specialist

tipstechniquesskin@hotmail.com

INDHO-INDHEYN: Baarlamaan Hooy Qorshaha ku darso

Waxaa Qoray:
Cabdullaahi Mucjis

Baarlabaanka shirka ku leh golihiisa bololka ahoow qorshaha ku darsada meesha aad joogtiin waa Xamar, oo aan weli xeer gaara loo sameyn, hadii aad u qayli weysaan in uu xaqiisa helo,dhibku dhinaciina ayuu idinka soo gaari doonaa!!!.

Lacag musharrax laga qaado mushkiladdu waa ka weyntahay, sacab iyo gurbaan arrintu waa ka qotta dheertahay, sharci in qolana loo jiifiyo qolana loo qotomiyo waa ka gudubnay, kuraasta aad ku fadhidaan waa 4.5 ee ogaal ha jiro, maskaxdiina fura.

Waxkasta oo la qaybsanaayo qaylaba ha ahaatee waa in si quman loo wadaago, musharraxiinta waa in qoondada haweenku ka dhex muuqato oo la helo 4.5 taba Rag iyo Haween u tartamaaya Guddoonka, aqallada, kursiga madaxtooyada,Iwm.

Habqaysiga Beelaha halleysu dheelli tiro, hana la xaddido Dadka tartamaya, oo beelwalba in taas oo mid Dumaryahay ha keenaano halla dhoho.

Haddii kale mardhaw waxaa idinku soo socda laygama guulaysan, kuma qanacsani, waa lay handaday, looma dhama iyo erayo kale oo aadan jawaab u heleyna ayaad wajihi doontaan hadda geed adag isaga xira, qodobbo adadagna ku xira .

Warmoogayaashoow, wax maqla oo……Qorshaha ku dardsada.

Sheekadii Jaamac iyo Jimcaale

JAAMAC:-Jimcaale dhaartii maxaa ku dhacay ma dib u dhac dadban baa???.

JIMCAALE:-Kitaabadii lagu dhaarin lahaa ayaa goorba la waayay, maadaama ay tirada ka bateen, masaajid intaas oo kitaab ka go’do lama haayo ee inta laga soo uruurinaayo hayska sugaano!!!.

JAAMAC:-maxaa laga dhaarinayaa maa laysu soo uruuriyo ama buugaag waaweyn gacana loo saaro, qofka dhaarayana ma fiiriyo, kan wax dhaariyana maba eego Kitaabe.

JIMCAALE:-Maxay ahaayeen 11 ka kursi ee lasoo celiyay,oo Guddiga Dadban iyo Kiitin la qaylinayaan???.

JAAMAC:-waa marin habaabin caddaaladeed oo dana gaar ah laga leeyahay,

Majiro hal kursi oo aan laaluush laga qaadan qofka kusoo baxay diiwaan gelinba halagu xalaashadee, marka dulmigii beelaha laga galay ayaa daah looga dhigayaa!!.

JIMCAALE:-inta kitin loo dacwoonayo Caddaalad salkeed waa hoogay,ee qaraxyada soo batay maxay salka ku hayaan?.

JAAMAC:-garan maayo ee maxaad i tiri, yaah, yaah!!.

JMCAALE:-waa ku gartaye Aqallada la sugayo maxaa loogu shiriyaa meel Booliisku leeyahay, sida Gaadiidka Booliska iyo Dugsiga Booliska, iyagu waa 16 sano jirsadeene maxay meel u samaysan waayeen,.

JAAMAC:-Arintaas waa sida Maqaamka Muqdisho,

Waxaana laga soo saaridoonaa xeer gaar ah.

JIMCAALE:-xeer gaara aaa, ma haddaad ookiyaalo caaga ii gelinaysaa????.

JAAMAC:-Faragelinta kaddaa caddaaladda oo dadka hana tusin.

JIMCAALE:-wareer cawo waa loo waabariistaa miyaa!!!!!.

Gaso, ganuun, Gasiin Q.20aad

Waxaa qoray: Prof. Cali Jimcaale Axmed

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Si kastaba ha ahaatee, ma xuma in aad meelo kale war ka doonto, si aad u hesho wax udhow runta ama, haddii taas la waayo, wax shaabbaha ama u ek wixii dhacay. Dhacdo. Dhacdooyin. Dhacaan. Dheecaan. Dhumuc. Dhac. Dhacdhac. Dhacdhacle. Dhacsaal. Dhicis. Haddii aad Runtayda wax ka maqashay. Rung. Igaarti kalena runtooda doon. Rung. Oo kadibna runtaada aslo. Rung.

Taasi macnaheedu maahan in ay Runtu tahay wax cidi ama qofba sey rabto u rogrogato oo ay u godlato una goosaarato. Runi waa sida wax yaalla ama ka bidhaama meel fog ama isha intay qabato, haddana marka aad ku soo dhowaato kaa sii durugta. (Bidhaan waa iftiin yar ama muuqaal meel fog laga arko. Ma istiri waa laga qurxoonyahay in aan israaciyo “bidhaama” (oo fal ah) iyo “meel fog,” mar haddii “bidhaani” muujineyso wax meel fog kaaga muuqda? Sheeko sheegistu waa hab haloosimaadkeedu kugu kallifo in aad kala doorato ama kala xulato erayada aad adeegsaneyso. Ma aqaan haddaad i maqashay, waxaan iri, oon haddana dib ula naqday ama noqday, “ka bidhaama kaabi fog.” Waxa aan hadda suubiyey waa talaxtag, moohoo? Maxaa qob moos la isu dhigay, welina la isu dhigaayaa! Waxaa dhuudhuumashow dheelaaya Aw Sheekoole iyo Aw Akhriyow. Withaaygeey wax aqoon Wadaad wax ka weydiiya.)

Waxaan filaayaa in kaabiga noocaanihi—waa kii aan la noqdaye– ka duwanyahay wirwir ama waxa lagu yiraa Af-Carabiga “Saraab,” Ingiriisigana “mirage,” oo la dhugto—raali ahaw, afka ayaa iga boobay: ilama aha in aad dhugasho taas ku magacaabikarto ama ku tilmaamikarto; waxaa dhaanta in aad tiraa “oo la arko”—marka ay naftu tiih iyo diihaal ama diif oon ama harraad la seegseegto ama la liicliicdo. Marka aad istiraa soo haabo, niyaddana gashato in aad sacabbada u fidsato, ayay haddana kaa sii durugtaa, miririglayn cusubna ku gelisaa. Yaa kuu geffay ayaad istiraahdaa, laakin isma weydiisid. Weydiintu waxay kugu kalliftaa in aad jawaab doondoonto ood geed dheer iyo mid gaabanba u korto. Xaggee jawaab laga doonaa mar haddii indhahaaga, naftaada, cagahaaga, iyo rabitaankaagu ama hammuunka aad wax u qabto kuu horseedaan in aad ajaranto. Cid aad ku eedeysaana aysan jirin, marka lagu weydiiyo, “Yaa ku dhagray?” Waa dhibkaas nimaad dhagartayoo dhabbe kaaga soo dhacay. Ar waa dhibkaas …Ninki aad weydiisay meesha ow u socday asii kuu sheegay meel uusan laabtaba ku hayn, haddana aad ku kulanteen jid dheeraha taga Buur Subag.
(Wax yar ii kaadi. Qoraha ayaa hoos igala hadlaaya oo i leh, “Waxaa dhici karta in dadka hortaada fadhiyaa aysan wada aqoon meesha ay Buur Subag ku taal ama ay ka jirto, ee dib ugu noqo sheekada.”) Qarsin qallooc ku’gal. Saa ley arkaa? Seey isu arkaan? Saa naloo arkaa? Yaa muraayadda kuu haaya? Hummaagga aad ka aragto ee kugu soo baxaa marka aad fiirineyso muraayad ama biladaye maaha kii runta ahaa. Haddana candhuuftaydaan dib u liqay.

Haddaan la kala roonaan roob ma da’o. Roobku waxa uu da’aa oo keliya marka lax hebed ah la shuushaamiyo. Waxaan kala garan la’ahay in aan oraahdaasi uga jeedo sheekadi Nabi Sulaymaan iyo labadi hooyo ee muluqa isku qabtey. Waxaa kale oo dhicikarta in ay qoraha ka tahay “Diinleeye, Cadale!” Anna iga tahay, “Cadalahaad tiri ku carmaanso!” Haddana waxaan rabaa in aanan dib ugu noqon xurgufti naga dhexeysay aniga iyo qoraaga. Waxaan xasuustay isu soo dhowaanshihi iyo af-garadki nala dhexdhigay. Waxaan ugu jawaabay: Yaan aqoon Arlaadi—carro madow, carro gaduud, Dhoobeey, dhul cassaan, Ban Cawl, Deex Bari, Dhul gabiibki ka koreeyay Ceel Cadde ilaa iyo Mukay Libaax. Waxa uu igu yiri, “Haddaad magacyo tiris gashay, walba ku dar meeshaan ku dhashay: Cadquurciidgembisciilirmaancarroudgooncabashoceebeed. Ma weydiin in ow jirikaro magac 50 xaraf iyo ka badan ka kooban. Waxaan is iri waxa uu u danleeyahay Beexaani korkiisa balligi ku yiil. Waxaan ku iri, “Yeey sheekadu abtirsi naga noqon.” Waxaan isla garannay in aan sheekada dib ugu noqonno.

Aqoontu sideedaba waa isbarbar dhigid iyo ka qiyaasqaadasho wax la yiri waa dheceen, asii aan loo hayn wadar shaahid oo weertoodu, sida maahmaahyo oo kale, soo afjarto hadalka. Ku jar hadalka, ku jar. Saas awgeed, wax ka weydii jabki nagu dhacay iyo jiibti ka horreysey, minaad doonto, rag ay ka mid yihiin Baab ina Cigalle oo kooxdi Koorba Nuuda ka tirsanaa haddana jooga dacallada adduunka meel ka midihi. Waxaa dhicikarta in saan wax u sheegaayo uusan u xasuusan, ama ow habeenki Maxfalka meesha ka maqnaa. Labo ruux oo wax ay wada arkeen ama shaahideen wax laga weydiiyo ayaa siyaabo kala duwan uga sheekeeya amaba u xasuusta. Baab waa been-masheege, run aqoon ah. (Been-masheege waa ka duwanyahay run-aqoon.) Xasuustuse waa sida taariikh la rabo in dib loo soo faago, asalkeeduna yahay dhacdo dhacday ama la yiri waa dhacday. Waxaa tiigsigaaga laga dheehan karaa meesha aad ka soo minguuriso waxa aad tiir ahaan usoo xulato si aad u bayyaamiso halbeegsigaaga. Ogoobeey: Dhacdaa dhacdo dhalisa.

La soco Q.21aad
W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu