Midab aan la doorin iyo qurux hablihii hore u daa!

Quruxdii dumarkii Soomaaliyeed ee qarniyo hore iyo siday u ilaalin jireen wajigooda, qiimaha uu lahaa iyo caafimadka uu haystay.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo cuna cuntooyin ay ka helaan nafaqo kala duwan jidhkoodu, sida shuurada, digirta iyo caanaha, oo dhammaantood jidhka u fiican. Dumakan ayaa ahaa kuwo marsada waxyaabo ay ka mid yihiin: Huruuda, cusburka, labeenta caanaha, shunburada, timirta, burcadka iyo qasalka.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo waqti qudha wax mariya wajigooda, waqtigaasoo ah markay tagayaan meel sida aroosyada ama iyaga la aroosayo.

Dumarkan ayaa qabay fikir ah hadii jidhka mar walba wax la mariyo inuu dheeha sare ka qaadmayo. Hadii aad u fiirsado fikirkaa ay qabeen waQtigaa aanay haysan daryeel badan ama aanu waqtigu u saamixin qurux dabiici ah, lakabka sare ee jidhka kaasoo loo yaqaano (Epidermis) wa jidhka haddii ay dhibato soo gaadho unugyada ka hooseeya, ka bacdi uu wajiga dumarku ka xumado ama wax kasoo bax baxaan.

Dumarkan ayaa ahaa kuwo qurux kala midaba leh, se gabadh kastana midbkeedu lafta ka dhalaali jiray, waxayna ahaayeen  kuwa aanay ku soo degdeign waxyabaha hadda ku soo degdega dumarka manta sida : (wrinkles ama ageing skin) gabowga  maqaarka wajiga .

Dumarkan ayaa ah dumar jidhkoodu caafimad qabo ama aad arki kartid iyagoo gaboobay, jidhka wajigooda oo wali is haysta oo aan xoog u jilcin, dhibatana waligood soo gaadin finan iyo wax kale toona. Dumarkan ayaa ahaa kuwo leh midabbo kala duwan:  casaan, maarriin, marriin dhalaal xiga, iyo madoow.

Waxaan aan had iyo jeer eega ama u fiirsada dadka gaboobay wajigooda, malin maalmaha ka mid ayaan  suaal waydiiyay islaan aad wayn,  islaantan ayaa ah mid aan lahayn haba yaraatee wax loo yaqaano (wrinkles), ama waji layn layn leh oo soo dhac dhaca. Arrintan ayaa iga yaabisay, waxaan ku idhi hooyo maxad marsan jirtay markaad yarayd ama hadaba, waxay iigu jawabtay Liindhanaan, timir, iyo qasil. Se hada qurbahan waxan marsada badhar, jidhkeedan ayaa ah mid caafimad qaba laftana ka dhalaalay!

Haddaba, habloow ma is waydiiseen markaad gaadhaan xiligan wajigiinnu noocuu noqon doonaa?

Hablaha manta jooga horta waa isku wada midab qudha, waxaad mooddaa inuu dabar go`ay midabkii Soomaliyeed, marriin iyo madoow. Haddaba, isku wada midab ha la ahaadee dhibaato intee le`egna way soo gaadhaysaa jidhkan?

Runtii farqiga u dhexeeya quruxdaa hore iyo ta manta waxa weeye, dhibaatooyinka ku dhaca dumarka manta jooga wajigooda sida: jidh wax diidaya (sensitive skin) finan cas-casaan ah, kuwo madmadoow ah (red spots, acne iyo blackheads) jidhkaa dumarkaa hore intan  mid may lahaan jirin, kaliya waxay laahaan jireen haaro markay uurka leeyihiin ku dhaca, kuwaaso markay dhalaana burcadkoodu ka gooyn jiray.

Dumarkan manta jooga runtii kama fakaraan aayaha jidhka danbe, halka ay kuwaa hore aad u ilaalin jireen ayaha jidhka wajigooda.

Habloow haddaba , waxa fiican in aynu is waydiinno, dhibatadan badan ee dumarka wajiga kaga dhacaysaa maxaa sababaya?  Waxyabaha aan kor ku soo sheegay oo dhan baa ka mas`uula, dhibtani waxay ka imanaysa unugyada jidhka ka hooseeya markay dhibato soo gaadho, ayaa jeermis dhalanaya kaasana u soo booday dibadda wajiga.

Waxaan qabaa haddii  la iska daayo waxan la marinyo jidh caafimaad qaba, ama waqti  yar maraya, in aanay dhibaato u timaaddeen wajiga.

Hablaha dhallinyarta ah ee wadankii  jooga  waxan kula dardaarmaya intii aan waxba marsan inay fadlan iska ilaaliyaan waxa la marsanayo waliba ay ku jiraan wax loo yaqaano (mercury liquid: Diana cream,dermovate and Fasco herbal), walalo waxa jirta xili jidhkiinnu fitiimiin soo daayo oo aad ka helaysaan qurux dabiiciya oo ah tii Alle idiin abuuray, haddii aad cuntaan cuntooyinka khudaarta ah.

Waxan la marsanayo waxa jirta da’ loogu tala galay inuu qofku isku yareeyo ama isku qurxiyo se marka ay marsadaan hablo soo kacaya, ma ogtihiin inaad jidhkiinna duullaan ku tihiin, waliba aad dhibaato soo gaadhsiinaysaan unugyada difaaca jidhkiinna?

Waxaad mooddaa midabadeenii kala duwanaa inay madheen, ama anay jirinba dad kala duwan wajigoodu, runtiina qurux maaha midabka cad ee dadkii wada yeesheen, quruxdu wa jidhka caafimaad qaba ee dhalaalkiisana wata, hablihii markay dambas iyo casaan wada noqdaaan quruxi ka tagtay dumarkii Somaaliyeed?

Waxaa fiican in laga hortago oo hablaha soo kacaya loo sameeyo wacyi galin si loo soo celiyo quruxdii hore ee qiimaha u lahayd jidhka dumarka.

La soco qaybta 2aad

Amina Mohamed

Holistic therapist & skin specialist

tipstechniquesskin@hotmail.com

Dhoolatus Siyaasadeed (Sawirro)

Siyaasiyiinta kala ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo dhammaantood ah musharrixiin madaxweyne, ayaa Magaalada Muqdisho ku sammeeyay dhoolatus siyaasadeed oo ay dabcan u muuqday mid ay ku qalqal gelinayaan Madaxweyne Xasan Shiikh oo isagu doonaya in mar kale xilkaas loo doorto.

Haweeney tuurtay ilmo ay dhashay oo la soo qabtay (Dhegeyso)

Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen Haweeney ku tuurtay goob qabuuro ah ilmo yar oo ay dhashay.

Dhamme Cumar Macalin oo ah Taliye ku xigeenka Booliska Degmada Cadaado oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Haweeneydaas kaddib markii ay ku soo wargeliyeen dadweynaha.

Waxa uu sheegay in caruurta yar ee lagu tuuray meesha Qabuuraha in ay soo qaadeen, isla markaana ay u sammeeyeen Gabdho caawiya ilmaha yar, isla markaana caano siiya.

HOOS KA DHEGEYSO

INDHO-INDHEYN: Baarlamaan Hooy Qorshaha ku darso

Waxaa Qoray:
Cabdullaahi Mucjis

Baarlabaanka shirka ku leh golihiisa bololka ahoow qorshaha ku darsada meesha aad joogtiin waa Xamar, oo aan weli xeer gaara loo sameyn, hadii aad u qayli weysaan in uu xaqiisa helo,dhibku dhinaciina ayuu idinka soo gaari doonaa!!!.

Lacag musharrax laga qaado mushkiladdu waa ka weyntahay, sacab iyo gurbaan arrintu waa ka qotta dheertahay, sharci in qolana loo jiifiyo qolana loo qotomiyo waa ka gudubnay, kuraasta aad ku fadhidaan waa 4.5 ee ogaal ha jiro, maskaxdiina fura.

Waxkasta oo la qaybsanaayo qaylaba ha ahaatee waa in si quman loo wadaago, musharraxiinta waa in qoondada haweenku ka dhex muuqato oo la helo 4.5 taba Rag iyo Haween u tartamaaya Guddoonka, aqallada, kursiga madaxtooyada,Iwm.

Habqaysiga Beelaha halleysu dheelli tiro, hana la xaddido Dadka tartamaya, oo beelwalba in taas oo mid Dumaryahay ha keenaano halla dhoho.

Haddii kale mardhaw waxaa idinku soo socda laygama guulaysan, kuma qanacsani, waa lay handaday, looma dhama iyo erayo kale oo aadan jawaab u heleyna ayaad wajihi doontaan hadda geed adag isaga xira, qodobbo adadagna ku xira .

Warmoogayaashoow, wax maqla oo……Qorshaha ku dardsada.

Puntland iyo Galmudug oo heshiis ku kala saxiixday Muqdisho (Sawirro)

Dowlad gobolleedyada Puntland iyo Galmudug, ayaa heshiis saddex qodob ah ka gaaray colaadda ka taagan magaalada Gaalkacyo kaddib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shirka lagu soo gabo-gabeenayey colaadda magaalada Gaalkacyo oo soo laalaabatay muddooyinkii u dambeeyey, waxaa marti-galiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ka dhacay madaxtooyada.

shirka waxaa joob-joogeyaal ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilka Q.M u fadhiya Soomaaliya Michael Keating.

Madaxweyneyaasha dowlad gobolleedyadaasi Puntland iyo Galmudug, madaxda D.FS iyo Wakiil Q.M ayaa shir saxaafadeed qabtay shirka kaddib.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa fursad weyn ku tilmaamay kulanka lagu soo afjarayey colaadda Gaalkacyo, waxa uu sheegay in saddex qodob lagu heshiisyey oo ah in isu socodka magaalada dib loo soo celiyo, in ciidammo Boliis isku dhaf ah la geeyo iyo in Bisha Feberaayo kulan kale la isugu yimaado si looga hadlayo waxyaabaha ka dhaqan-galay qodobbada lagu heshiiyey.

Madaxweynaha dowlad  gobolleedka Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa  guul weyn ku tilmaamay in ciidammada la kala qaado, laguna dedaallo sidii looga wada qeyb-qaadan lahaa dhaqangelinta heshiiska saddexda qodob ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in uu rajeynayo in aysan dib u soo laaban colaadda magaalada Gaalkacyo oo hab amni iyo mid siyaasadeedba lagu xalinayo.

Wakiilka Q.M u fadhiya Soomaaliya Michael Cheating, ayaa sheegay in Q.M ay go’an tahay in ay taageerto heshiiskaan colaadda lagu daminayo, shacabka labada dowlad goboleedna uu ugu baaqayo in ay u istaagaan dhaqangelinta nabadda Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sannadkaan cusub ee 2017-ka uu ku bilowdey maalin nabaddeed, waxa uu tilmaamay in Gaalkacyo ay Istaraatiiji u yahay dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimna ay tahay in loo wada istaago in la  fuliyo heshiiska hadda la wada gaaray.

Heshiiskaan saddex qodob ah ee Colaadda Gaalkacyo lagu soo afjarayo ayaa haddii uu dhaqangalo bisha labaad ee sannadkaan  waxaa dhici doona kulan kale oo lagu eegayo waxyaabaha ka hirgalay iyo sidii loo sii wadi lahaa nabadda iyo xasiloonida magaalada gaalkacyo.

Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo la magacaabay (Dhegeyso)

Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Soomaaliya oo Maanta markale kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay magacaabeen guddi ka shaqeyn doona doorashada gudoonka Baarlamaanka dowladda Soomaaliya.

Guddiga ay magacaabeen xildhibaanada ayaa ka kooban 15 xubnood, waxaana lagu qeybsaday Nidaamka ay Soomaalidu wax ku qeybsato ee 4.5.

HOOS KA DHEGEYSO

Fowsiya Xaaji Aadan oo mar kale loo doortay Xildhibaannimo

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay u soo noqotay ra’iiasal wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, ayaa maanta ku soo baxday doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa natiijada doorashada ku dhawaaqay guddiga heer dowlad gobolleed oo sheegay in Fowsiyo Yuusuf, heshay codadkii la dhiibtay  45 cod.

Waxaa siddoo kale xubnaha maanta ku soo baxay kuraasta aqalka hoose ee gobolka W/qooyi ka mid ah Muuse Ismaaciil, oo helay 48 cod.

Ugu danbeyntii, doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee matalaya gobolada waqooyi ayaa maraysa heer gabogabo ah..