Soomaaliya oo safiir u magacaawday Sweden

0
74

Dowladda Soomaaliya ayaa safiir cusub u soo magacawday dalka Sweden oo aysan Dowladda Soomaaliya muddo dheer ku lahayn Safaarad iyo safiir.

Safiirkan ayaa lagu magacaabaa Cawaale Cali Kullane, kaasi oo Dowladda Soomaaliya horay ugu metelayay Qaramada Midoobay.

Danjire Cawaale ayaa wuxuu horay ula soo shaqeeyay Dowladdii KMG ahayd ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Dowladda Federaalka ee hadda jirta, waana diblumaasi howlkar ah.

Danjirahan ay Dowladda Soomaaliya u soo magacawday dalka Sweden ayaa wuxuu yahay mid ay Soomaalida ku nool dalka Sweden ay si weyn ugu baahnaayeen bacdamaa ay Dowladda Sweden ka mid tahay dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay ku  nool yihiin Soomaali badan.

Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden ayaa si weyn u soo dhaweeyay Safiirka loo soo magacaabay, waxayna ka rajeeyay in uu wax weyn ka qaban doono baahida Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Sweden ku dhaqan.

Dalka Soomaaliya wax safaarad ah kuma lahayn dalka Sweden tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.