Gaso, ganuun, Gasiin Q.20aad

Waxaa qoray: Prof. Cali Jimcaale Axmed

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Si kastaba ha ahaatee, ma xuma in aad meelo kale war ka doonto, si aad u hesho wax udhow runta ama, haddii taas la waayo, wax shaabbaha ama u ek wixii dhacay. Dhacdo. Dhacdooyin. Dhacaan. Dheecaan. Dhumuc. Dhac. Dhacdhac. Dhacdhacle. Dhacsaal. Dhicis. Haddii aad Runtayda wax ka maqashay. Rung. Igaarti kalena runtooda doon. Rung. Oo kadibna runtaada aslo. Rung.

Taasi macnaheedu maahan in ay Runtu tahay wax cidi ama qofba sey rabto u rogrogato oo ay u godlato una goosaarato. Runi waa sida wax yaalla ama ka bidhaama meel fog ama isha intay qabato, haddana marka aad ku soo dhowaato kaa sii durugta. (Bidhaan waa iftiin yar ama muuqaal meel fog laga arko. Ma istiri waa laga qurxoonyahay in aan israaciyo “bidhaama” (oo fal ah) iyo “meel fog,” mar haddii “bidhaani” muujineyso wax meel fog kaaga muuqda? Sheeko sheegistu waa hab haloosimaadkeedu kugu kallifo in aad kala doorato ama kala xulato erayada aad adeegsaneyso. Ma aqaan haddaad i maqashay, waxaan iri, oon haddana dib ula naqday ama noqday, “ka bidhaama kaabi fog.” Waxa aan hadda suubiyey waa talaxtag, moohoo? Maxaa qob moos la isu dhigay, welina la isu dhigaayaa! Waxaa dhuudhuumashow dheelaaya Aw Sheekoole iyo Aw Akhriyow. Withaaygeey wax aqoon Wadaad wax ka weydiiya.)

Waxaan filaayaa in kaabiga noocaanihi—waa kii aan la noqdaye– ka duwanyahay wirwir ama waxa lagu yiraa Af-Carabiga “Saraab,” Ingiriisigana “mirage,” oo la dhugto—raali ahaw, afka ayaa iga boobay: ilama aha in aad dhugasho taas ku magacaabikarto ama ku tilmaamikarto; waxaa dhaanta in aad tiraa “oo la arko”—marka ay naftu tiih iyo diihaal ama diif oon ama harraad la seegseegto ama la liicliicdo. Marka aad istiraa soo haabo, niyaddana gashato in aad sacabbada u fidsato, ayay haddana kaa sii durugtaa, miririglayn cusubna ku gelisaa. Yaa kuu geffay ayaad istiraahdaa, laakin isma weydiisid. Weydiintu waxay kugu kalliftaa in aad jawaab doondoonto ood geed dheer iyo mid gaabanba u korto. Xaggee jawaab laga doonaa mar haddii indhahaaga, naftaada, cagahaaga, iyo rabitaankaagu ama hammuunka aad wax u qabto kuu horseedaan in aad ajaranto. Cid aad ku eedeysaana aysan jirin, marka lagu weydiiyo, “Yaa ku dhagray?” Waa dhibkaas nimaad dhagartayoo dhabbe kaaga soo dhacay. Ar waa dhibkaas …Ninki aad weydiisay meesha ow u socday asii kuu sheegay meel uusan laabtaba ku hayn, haddana aad ku kulanteen jid dheeraha taga Buur Subag.
(Wax yar ii kaadi. Qoraha ayaa hoos igala hadlaaya oo i leh, “Waxaa dhici karta in dadka hortaada fadhiyaa aysan wada aqoon meesha ay Buur Subag ku taal ama ay ka jirto, ee dib ugu noqo sheekada.”) Qarsin qallooc ku’gal. Saa ley arkaa? Seey isu arkaan? Saa naloo arkaa? Yaa muraayadda kuu haaya? Hummaagga aad ka aragto ee kugu soo baxaa marka aad fiirineyso muraayad ama biladaye maaha kii runta ahaa. Haddana candhuuftaydaan dib u liqay.

Haddaan la kala roonaan roob ma da’o. Roobku waxa uu da’aa oo keliya marka lax hebed ah la shuushaamiyo. Waxaan kala garan la’ahay in aan oraahdaasi uga jeedo sheekadi Nabi Sulaymaan iyo labadi hooyo ee muluqa isku qabtey. Waxaa kale oo dhicikarta in ay qoraha ka tahay “Diinleeye, Cadale!” Anna iga tahay, “Cadalahaad tiri ku carmaanso!” Haddana waxaan rabaa in aanan dib ugu noqon xurgufti naga dhexeysay aniga iyo qoraaga. Waxaan xasuustay isu soo dhowaanshihi iyo af-garadki nala dhexdhigay. Waxaan ugu jawaabay: Yaan aqoon Arlaadi—carro madow, carro gaduud, Dhoobeey, dhul cassaan, Ban Cawl, Deex Bari, Dhul gabiibki ka koreeyay Ceel Cadde ilaa iyo Mukay Libaax. Waxa uu igu yiri, “Haddaad magacyo tiris gashay, walba ku dar meeshaan ku dhashay: Cadquurciidgembisciilirmaancarroudgooncabashoceebeed. Ma weydiin in ow jirikaro magac 50 xaraf iyo ka badan ka kooban. Waxaan is iri waxa uu u danleeyahay Beexaani korkiisa balligi ku yiil. Waxaan ku iri, “Yeey sheekadu abtirsi naga noqon.” Waxaan isla garannay in aan sheekada dib ugu noqonno.

Aqoontu sideedaba waa isbarbar dhigid iyo ka qiyaasqaadasho wax la yiri waa dheceen, asii aan loo hayn wadar shaahid oo weertoodu, sida maahmaahyo oo kale, soo afjarto hadalka. Ku jar hadalka, ku jar. Saas awgeed, wax ka weydii jabki nagu dhacay iyo jiibti ka horreysey, minaad doonto, rag ay ka mid yihiin Baab ina Cigalle oo kooxdi Koorba Nuuda ka tirsanaa haddana jooga dacallada adduunka meel ka midihi. Waxaa dhicikarta in saan wax u sheegaayo uusan u xasuusan, ama ow habeenki Maxfalka meesha ka maqnaa. Labo ruux oo wax ay wada arkeen ama shaahideen wax laga weydiiyo ayaa siyaabo kala duwan uga sheekeeya amaba u xasuusta. Baab waa been-masheege, run aqoon ah. (Been-masheege waa ka duwanyahay run-aqoon.) Xasuustuse waa sida taariikh la rabo in dib loo soo faago, asalkeeduna yahay dhacdo dhacday ama la yiri waa dhacday. Waxaa tiigsigaaga laga dheehan karaa meesha aad ka soo minguuriso waxa aad tiir ahaan usoo xulato si aad u bayyaamiso halbeegsigaaga. Ogoobeey: Dhacdaa dhacdo dhalisa.

La soco Q.21aad
W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu